Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shir lagu aas-aasayay Golaha isbaddalka Beeraha ee Deegaanka Soomaalida (Somali Regional Agriculture Transformation Council).
Kulanka waxaa gudoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, waxaana ka soo qayb-galay masuuliyiin heer federaal iyo heer deegaan ah. iyadoo loogu dhisay Golaha Isbadalka Beeraha ee Deegaanka, kaas oo noqon doona gole isku dubbarida siyaasadaha, qorsheynta iyo dabagalka barnaamijyada lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha, si loo horumariyo qorshayaasha wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in deegaanku leeyahay khayraad iyo awood ballaadhan oo dhinacyada beeraha iyo xoolaha ah. Sidoo kalena, Golaha la aas-aasay uu door muhiim ah ka qaadan doono dardargelinta hirgelinta dib-u-habaynta wax-soo-saarka beeraha, kor u qaadista wada shaqaynta hay’adaha kala duwan iyo soo jiidashada maalgashiga, si loo hirgeliyo Geediga Hiigsiga iyo qorshayaasha xukuumadda DDS.























