Waxaa maanta Magaalada Jigjiga ka qabsoomay Shirka Dib-u-eegista Mashruuca DRDIP-II, kaas oo diiradda lagu saaray waxqabadkii mashruuca ee sanad-maaliyadeedka 2018 E.C. iyo Qorshe-hawleedka iyo Miisaaniyadda sanadka 2019 E.C.
Shirka waxaa furay Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Mudane Abdullahi Mahamed Muse, waxaana kulanka lagu soo bandhigay warbixinta heerka fulinta hawlaha mashruuca ee 2018 E.C., iyadoo sidoo kale la soo bandhigay lagana dooday qorshaha iyo miisaaniyadda 2019 E.C.
Xubnaha Guddiga Sare ee Hagista Mashruuca ee Heer Deegaan ayaa si qoto dheer uga falanqeeyay waxqabadka, caqabadaha jira iyo mudnaanta hawlaha sanadka cusub.
Ugu dambayn, Guddiga Sare ee Hagista Mashruuca ayaa ansixiyay Qorshe-hawleedka iyo Miisaaniyadda Mashruuca DRDIP-II ee 2019 E.C.
#DRDIPII#SomaliRegion#Jigjiga#DDS#HorumarintaReerMiyiga#AWPB





