Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Cabdullaahi Maxamed Muuse, ayaa sheegay in maanta guud ahaan Deegaanka Soomaalida laga qodo in ka badan 1.3 milyan hektar oo dhul-beereed ah, halka isbeddelka ka hor laga qodi jiray 380 kun hektar.
Wasiirku wuxuu xusay in qorshaha sanadka 2019-ka uu yahay in la gaadho 2 milyan hektar oo dhul-beereed ah, si loo kordhiyo wax-soo-saarka beeraha loona xoojiyo sugnaanta cuntada ee deegaanka.

