Wasiirka Xafiiska Beeraha ee DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maayarada magaalooyinka ee deegaanka, kulan diiradda lagu saarayay dar-dar-gelinta qorshayaasha horumarineed. Intii uu socday kulankaas, ayaa maayarada lala wadaagay istaraatiijiyadda guud ee horumarinta beeraha ee uu soo gaadhsiiyay Wasaaradda Beeraha Federaalka, taas oo looga gol-lahaa sidii magaalooyinka loogu diyaarin lahaa hirgelinta qorshayaasha wax-soo-saarka, loona xoojin lahaa iskaashiga iyo fulinta istaraatiijiyadaha qaranka ee lagu xaqiijinayo sugnaanta cuntada












