Xafiiska Beeraha DDS ayaa daahfuray diwaangelinta Aqoonsiga Qaranka (Fayda) ee ka faa’iidaystayaasha mashruuca PSNP-5 iyo beeralayda kale.
Daahfurkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska beeraha, xubno ka kala socdey Aqoonsiga Qaranka, mac’hadka casriyaynta beeraha ee dalka (ATI), shirkada isgaadhsiinta Ethio Telecom iyo degmooyinka uu mashruucu ka hawlgalo, waxaana xusid mudan in xafiisku horey u qorsheeyay in la diwaangeliyo in ka badan 600 kun oo qof oo isugu jira ka faa’idaystayaasha mashruucan iyo beeralayda kale ayaa illaa iyo hadda la diwaangeliyay in ka badan 279 kun.
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Beeraha DDS Mudane C/raxmaan Nuur Maxamed ayaa sheegay in Aqoonsiga Qaranku uu muhiim u yahay si loo xaqiijiyo dadka mudan taageero.







