Waxaa munasibad Dhagax dhig ah loo sameeyay Garoonka Diyaaradaha yar-yar oo loogu talagalay la-dagaallanka Ayaxa iyo Shimbiraha ee Degmada Beercaano ee gobolka Shabeelle ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha yar-yar oo loogu talagalay hawlaha buufinta iyo xakamaynta ayaxa iyo shimbiraha waxyeellada u geysta dalagyada beeraha.
Garoonkan oo ku fadhiya dhul dhan 16.6 hektar ayaa la qorsheeyey in lagu dhammeystiro muddo saddex bilood ah, waxaana uu ka koobnaan doonaa dhabada diyaaradaha, bakhaarro lagu kaydiyo dawooyinka iyo shidalka lagu buufiyo ayaxa iyo shimbiraha, xarumo adeegyo farsamo iyo qaybo kale oo muhiim u ah hawlaha ilaalinta wax-soo-saarka beeraha.
Mashruucan waxaa maalgelinaya Xafiiska Beeraha Dowladda Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan Mashruuca Horumarinta Silsiladda Wax-soo-saarka Qamadiga, halka fulinta dhismaha ay gacanta ku hayso Xafiiska Jidadka, waxaana Dabagalka iyo kormeerka farsamo leh Wakaaladda Injineeriyada Deegaanka.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Xafiiska Beeraha Mudane C/laahi Maxamed Muuse, Wasiirka Xafiiska Biyaha Mudane Axmed Layli, Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Jidadka Mudane Axmed Cali, mareeyaha wakalada Injineeriyada Mudane Maxamed Mukhtar iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle Mudane Cabdi Farax, kuwaas oo si wadajir ah u dhagax-dhigay mashruuca.
Masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa tilmaamay in garoonkan uu door weyn ka qaadan doono dardargelinta hawlaha la-dagaallanka ayaxa iyo shimbiraha, si loo ilaaliyo dalagyada beeraha loona xoojiyo amniga cunnada ee deegaanka.
Dhismaha garoonkan ayay ku baxaysaa miisaaniyad ka badan 90 milyan oo Birr, waxaana la filayaa inuu noqdo xarun muhiim ah oo kor u qaadda awoodda deegaanka ee ka hortagga iyo xakamaynta cayayaanka iyo shimbiraha waxyeellada ku haya wax-soo-saarka beeraha








