Xafiiska Beraha DDs oo kashanaya Mashruuca Xakamaynta iyo Ka Jawaabista Ayaxa Saxaraha ee Degdegga ah (Ethiopian Emergency Locust Response – EELR) ayaa qabtay tababar hordhac ah (Orientation Training) oo loogu talagalay masuuliyiinta iyo khubarada ka socota 34 degmo oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd in la xoojiyo aqoonta iyo awoodda degmooyinka si ay si hufan uga hortagaan, ula socdaan, ugana jawaabaan khatarta ayaxa saxaraha ee saameynta ku leh wax-soo-saarka beeraha, daaqa xoolaha iyo hab-nololeedka bulshada.









