Wasiirka xafiiska Beeraha oo ay weheliyaan deeq bixiyayaasha mashruuca PACT iyo qaar ka mid ah wasaaradaha dalka ayaa kormeer ku sameeyay mashruuca waraabka ee caanood-2 degmada Baabili.
Mashruuca waraabka caanood-2 ayaa awood uleh inuu waraabiyo 240 hiktar oo looga faa’iidaysanayo waxsoosaarka beeraha. Wuxuu dhismaha mashruucani ka kooban yahay ceelasha biyaha, solarada waraabka iyo barkado fudaydinaya warabka beeraha kaasi oo ay ka faa’iidaysanayaan 267 qoys oo ah bushada ku dhaqan goobta laga fulinayo.
Wasiirka iyo xubnaha kormeerka ku wehelinayay ayaa bulshada kulan ay la qaateen looga hadlay ka faa’iidaysiga mashruucan maadaama oo uu marayo gabo’gabo.







