Xafiiska Beeraha Dowladda Deegaanka Soomaalida, isagoo kaashanaya mashruuca Climate Resilient Wheat Value Chain Development (CREW) Project, ayaa magaalada Jigjiga ku soo gabagabeeyay tababar ku saabsan Maareynta Isku-dhafan ee Cayayaanka Qamadiga (Integrated Wheat Pest Management). Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah
Tababarka waxaa ka qaybgalay khubaro ka socota gobolka faafan, iyo sidoo kale Development Agents (DAs), kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo la-tashiga beeraleyda.
Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah in la xoojiyo aqoonta, xirfadaha iyo awoodda farsamo ee khubarada beeraha iyo DAs si ay si hufan ugu dabaqaan hababka casriga ah ee maareynta isku-dhafan ee cayayaanka qamadiga. Tani waxay gacan ka geysan doontaa ka hortagga, ogaanshaha, dabagalka iyo xakamaynta cayayaanka halista ku ah dalagga qamadiga, iyadoo la yareynayo khasaaraha dalagga laguna kordhinayo wax-soo-saarka.
Tababarkan wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa degmooyinka uu ka hawlgalo mashruuca CREW ee Gobolka Faafan, iyadoo laga rajeynayo in ka qaybgalayaashu ay aqoonta iyo xirfadaha ay helaan dib ugu gudbiyaan beeraleyda iyo bulshada ay u adeegaan.
Xafiiska Beeraha Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyey in tababarradan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo silsiladdawax-soosaarka qamadiga, ee adkeysiga isbeddelka cimilada, isla markaana lagu xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo kororka dakhliga beeraleyda deegaanka.











