Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse, ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha 11-ka gobol ee deegaanka. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta horumarinta beeraha, iyo hirgelinta qorshayaasha lagu kordhinayo wax-soo-saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara oo dhanka beeraha ah.














