Si Looga Maarmo Ku Tiirsanaanta Gacan Shisheeye, Xukuumadda DDS oo Aagga Degmada Haroorays ka Beertay 1,500 Hektar.
Si loo xoojiyo isku filnaanshaha cuntada loogana maarmo ku tiirsanaanta gacan shisheeye, Xukuumadda DDS ayaa aagga Degmada Haroorays ka hirgelisay beero dhan 1,500 hektar, taas oo la filayo inay ka soo go’do ilaa 30,000 oo kiintaal oo dalag ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo ay wehelinayaan masuuliyiin sare oo uu kamid yahay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Inj. Maxamed Shaalle Isaaq, ayaa saaka booqday qaybo kamid ah dhul-beereedka loo asteeyay qorshahan wax-soo-saarka beeraha
Dhulkan oo laga beeray noocyo kala duwan oo dalag ah, isla markaana si wanaagsan u soo baxay, ayaa looga faa,iidaysanaya xilligan roobaadkan.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in haddii xoogga la saaro adeegsiga hababka casriga ah ee beeraha, lagu guulaysan karo qorshayaasha kor loogu qaadayo wax-soo-saarka. Waxaana masuuliyiinta Xafiiska Beeraha lagu la dardaarmay inay si dhab ah u hirgeliyaan qorshayaasha la isla qaatay si loo xaqiijiyo isku filnaanshaha cunta.







