waxaa si rasmi ah looga bilaabay goosashada qamadiga xilliga gu’ga ee Gobolka Liibaan, gaar ahaan degmooyinka Qarsaduula iyo Dhaka-suftu. Waxaana laga filayaa in goosashadan laga helo wax-soosaar wanaagsan, iyadoo door weyn ka qaadan doonta xoojinta sugnaanta cuntada, kordhinta dakhliga beeralayda, iyo horumarinta wax-soo-saarka qamadiga ee Dawlada Deegaanka Soomaalida.











